Mike Tyson oo ciyaaraha feerka dib ugu soo noqonaya

ATLANTIC CITY, NJ - June 27: Heavyweight fighter Mike Tyson stands in his corner during a scheduled twelve round WBC, WBA, IBF heavyweight title fight against Michael Spinks June 27, 1988 at the Convention Hall in Atlantic City, New Jersey. Tyson won the fight by KO in the first round. (Photo by Focus on Sport/Getty Images)

Feeryahankii mar ahaan jiray horyaalka miisaanka culusu ee feedhka dunida, Mike Tyson, ayaa dib ugu soo noqonaya tartarka feedhka oo waxa ay gorrodda is dari doonaan Roy Jones Jr oo afar goor isna hore u noqday horyaalka miisaanka culus ee feedhka dunida.

Tartankan ayaa la muddeeyey inuu ka dhaco magaalada Los Angeles 12 Sebtember ee soo socota.

Tyson oo haatan 54 jir ah ayaa markii ugu dambaysay ee uu tartan feedhka ah galaa waxay ahayd 2005 waagaas oo uu isaga ka adkaaday feedhyahanka reer Ireland ee Kevin McBride, waxaanay guul darradaasi ahayd tii lixaad ee uu la kulmo Tyson 58 tartan oo uu galay.

Ninkan uu la tartamayo oo Maraykan ah da’diisuna tahay 51 jir, ayaan qudhiisu tartamin tan iyo waagii uu ka guulaystay Scott Sigmon bishii Feeberweri 2018.

Xidhiidhka ciyaaraha Atleetikada ee gobolka California ayaa ogolaaday in tartankaasi dhaco, waxaanu noqon doonaa sideed wareeg oo toos Telefishannada lacagta lagu daawado looga sii dayn doono.

Tyson wuxuu ahaa qofkii ugu da’da yaraa ee ku guulaysta horyaalka miisaanka culus ee dunida, oo isaga oo 20 jir ah ayuu Trever Berbick 1986 ka guulaystay.

Waxa hadal haynta inuu ku soo noqonayo miidaanka feedhka sii buunbuuniyey muuqaal uu ku baahiyey baraha bulshada isaga oo tabobar ku jira.

Sannadkii 2006 ayaa Tyson wuxuu tartan afar wareeg ah la galay Corey Sanders. Waagaa wuxuu aad ugu baahnaa lacag maadaama oo uu sannadkii 2003 cadeedey inuu musallafay laakiin sidoo kale waxa uu ka hadlay in uu la soo dersay cudurka ku dhaca dhimirka waxaanu codsaday in la siiyo taakulo.

Dhawaan ayaa waxa soo baxay hadal hayn ah in Tyson la tartami doono ninkii hore loolanku uga dhexeeyey ee Evander Holyfield oo ciyaaraha ka fadhiistay 20014.