Uganda oo xaqiijisay Kiiskii ugu horreeyay ee dhimashada Corona virus

Ugandha waxay diiwaangelisay dhimashadii ugu horreeysay ‘Covid-19’ tan iyo markii uu biloowday warbixinnada kiisaska cudurka coronavirus bishii Maarso ee sannadkan Sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka.

Qofka dhintay  oo ah 34-jir dumar ah oo shaqaale ka ahaa xarun caafimaad oo ku taal degmada  Namisindwa, ayaa dhintay lix maalmood kadib markii uu xanuunsaday sidda uu sheegay Agaasimaha Guud ee Adeegyada Caafimaadka, Dr. Henry Mwebesa .

“Qofka dhintay ayaa laga helay dhammaan astaamaha ay ka mid yihiin qandho, qufac qalalan, iyo neefsashada oo adkaata,” ayuu yiri Dr Mbwebesa.

Waxaa uu intaasi kusii daray “markii hore waxaa lagu daaweeyay xarun caafimaad II oo ku taal Namisindwa markii xaaladdeeda ka sii dartayna waxaa loo gudbiyey Isbitaalka Joy Hospice”