QM oo walaac ka muujisay adeegsiga Ciidanka Qaranka loolanka dhinaca siyaasadda

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta yeeshay kulan gaar ah oo looga hadlayay Xaaladda Soomaaliya.

Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galay Wakiillada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxaana ay halkaasi ka jeediyeen Khudbad ay kaga hadlaayeen Xaaladda Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ayaa soo dhaweeyay dadaallada dowladda Soomaaliya ay ka waddo gobolka Shabeellaha Hoose ee Al-Shabaab looga saarayo.

Waxa ay sidoo kale soo dhaweeyeen  guulihii ciidanka Soomaaliya iyo AMISOM ka gaareen howlgaladi Shabeellaha Hoose.

Golaha ayaa si adag  walaac uga muujiyay in adeegsiga Ciidamada Amniga Qaranka ee loolanka dhinaca siyaasadda, gaar ahaan Jubbaland iyo Galmudug.