Dr. Fuje oo sheegay in hoos dhac uu ku yimid Kiisaska Corona Virus ee gobolka Banaadir

Lataliyaha Sare ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maxamed Maxamud Cali (Fuje) ayaa ka hadlay ku faafidda uu caabuqa kusii baahay Gobollada dalka iyadoo oo ay maanta Banaadir gashay booska 3aad oo xanuunka hoos u dhac yar sameeyay lakiin uu koror muuqda ka sameeyay Gobollada.

Wuxuu sheegay in weli dhalinyarada ay yihiin kuwa ugu badan uu haleelo caabuqa ayna tahay in fariinmaha caafimaad ay aad u dhageestaan loogana baahanyahay taxadar farabadan si ay naftooda, qoyskooda iyo bulshada u badbaadiyaan.

Wuxuu sidoo kale dhalinyarada ku baraarujiyay in ay si dhab ah u hirgeliyaan ficillada ka hortagga ah ee caabuqa COVID-19 iyadoo si joogta ah gacmaha loo dhaqanaayo, af-xirka loo xiranaayo iyo inaad dhowrtid kala fogaanshiyah

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in si deg deg ah loo joojiyo in dadka ay isugu yimaadaan goobo ay ka mid yihiin Masaajidda si loo badbaadiyo Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu xusay  in baahi weyn loo qabo sidii wax looga bedeli lahaa dhaqanka dadka oo ku saabsan cudurka Covid-19 si looga hortago cudurka oo kusii faafaya dadka.

Waxaa uu sheegay in dadka ugu badan ee Cudurka Covid 19 hadda ugu dhintay Soomaaliya ay yihiin kuwa da’dooda ay ka weyn tahay 50-ka sano.