Khilaaf soo kala dhex-galay Madaxweyne Deni & kuxigeenkiisa

Shalay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland waxaa uu xilkii ka qaaday Taliye kuxigeenka Ciidanka Madaxtooyada Puntland,isaga oo sidoo kale Magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada oo Sarkaalkii haayay uu is casilay iyo kuxigeenkiisa,hayeeshee waxaa taasi ka horyimid Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Puntland.

Qoraal lagu burinayo xilka qaadista iyo Magacaabistaas oo kasoo baxay Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa waxaa lagu sheegay in xilka qaadista taliye kuxigeenka Madaxtooyada aan waxba ka jirin,isla markaana taliye kuxigeenka Ciidanka Madaxtooyada Puntland uu yahay G/sare Cabdiqani Maxamed Xarbi.

Sababta uu Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Puntland uga horyimid xilka qaadista lagu sameeyay Taliye kuxigeenka Ciidanka Madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay in aan lagala tashan Go’aanka Madaxweynaha Puntland.

Warkaan kasoo baxay Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa waxaa uu u muuqdaa mid khilaaf horleh ka dhex abuuraya Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash.