Puntland iyo beesha Caalamka oo kulan ka yeeshay doorashada Soomaaliya

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay xubnaha Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya.

Kulanka oo ku dhacay hab maqal iyo muqaal ah, masuuliyiintii Beesha Caalamka ka socotay ee ka qeybgalay waxaa ka mid ah Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan, Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez, Safiirada wadamada UK, Norway, Sweden , Germany iyo Wakiilada iyo Madaxda Ururada daneeya arrimaha Soomaaliya.

Waxaa kulanka looga hadlay xaaladda Covid-19 ee Puntland, Amniga, Doorashadda Soomaaliya, Xiriirka Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah iyo madax banaanida Warbaahinta.

Waxaa sidoo kale kulanka diiradda lagu saaray doorashadda Soomaaliya, islamarkaana in la adkeeyo in xilligeeda ay ku dhacdo.