Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland ayaa Maanta shaacisay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus,kuwaas oo baaritaano lagu sameeyey qaarkood laga helay Cudurka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Soomaaliland Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa sheegay in dadkii la baaray lix kamid ah Cudurka laga helay,kuwaas oo haatan ku jira xaalad karantiil ah.
Waxaa uu sheegay in lixda qof mid kamid ah uu yahay Ajanbi u dhashay dalka Bangladesh,kuwaas oo ku kala sugan Afar ruux Magaalada Hargeysa iyo laba Ruux oo ku karantiilan magaalada Burco.
Ugu dambeyn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Soomaaliland Maxamed Cabdi Xergeeye waxaa uu sheegay in cudurka uu ka bogsaday hal ruux,waxaana tirada Guud ee Cudurka Coronavirus laga helay deegaannada Soomaaliland ay gaartay 54 Ruux 7 Ruux ay ka bogsoodeen halka 5 qof ay geeriyoodeen.




