Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland saciid Cabdullaahi Deni ayaa si kulul uga hadlay dagaalkii dhawaan Ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug ku dhex-maray duleedka Galbeed ee Magaalada Gaalkacyo.
Saciid Deni waxaa uu sheegay in dadka fal dambiyeedyada ka sameeynaya deegaannada Gobolka Mudug ay Puntland ay diyaar u tahay inay xakameyso dhinaceeda,isla markaana dadkaasi lala xisaabtamayo.
Waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray Madaxweyne Deni in magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, uu ka socdo dadaal mugleh oo lagu xaqiijinayo Amniga iyo xasiloonida Gaalkacyo ayna iska kaashanayaan Maamulada Puntland iyo Galmudug.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in xiisada ka taagan duleedka Galbeed ee gaalkacyo iyo dagaalkii dhacay ay wada-hadallo dhinaca qadka taleefonka ah ka yeesheen,isaga iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).
Hadalka Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa daba socday dagaal maalma ka hora deegaanka taaroge ee duleedka Magaalada Gaalkacyo ku dhex-maray ciidamo kala taabacsan Maamulada Puntland iyo Galmudug walow xaalada ay tahay mid degan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Maamulka Puntland.



