Dad loo qabtay dil ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho

Sawir Hore degaanka Ceelasha Biyaha

Rag hubeysan ayaa waxaa la sheegay in deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho ay ku dileen Nin lagu Magacaabi jiray Bille Maxamed Xareedow,iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Kooxaha hubeysnaa ay ninkaasi dhowr xabadooda kaga dhufteen qeybaha sare ee jirkiisa,isla markaana Goobta dlka uu ka dhacay oo ah Xaafada Baalle ee degaanka Ceelasha Biyaha uu ku geeriyooday.

Guddoomiyaha deegaanka Lafoole ayaa sheegay in howlgal ay Ciidamada Booliska deegaankaasi sameeyeen ay kusoo qabteen laba ruux oo looga shakisan yahay dilka,isla markaana loo gudiyay Xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID-da si baaris loogu sameeyo.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay baaris kale ka wadaan Xaafada Baalle oo ah halka uu dilka ka dhacay,waxaana weli la cadeyn waxa uu ahaa Shaqsiga la dilay,hayeeshee Guddoomiye kuxigeenkii hore ee G/Shabeellaha Hoose Cabdi Fitaax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in Ninkaasi uu kamid ahaa waxgaradka deegaanka lafoole.

Majirto cid weli sheegatay mas’uuliyada dilka Xaafada Baalle ee deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada loogu geystay mid kamid ah dadka halkaasi ku nool.

Sawirka Ninka lagu diley deegaanka Ceelasha