Puntland: Dadka u geeriyooday Cudurka COVID 19 oo kordhay & Mas’uuliyin laga helay

Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaacsisay natijada dad looga shakisnaa Cudurka Coronavirus,balse laga baaray,kuwaas oo Wasaaradu sheegtay in qaarkood laga helay Cudurka.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Abdinaasir Yusuf Xaaji ayaa sheegay in la baaray 24 ruux , xanuunkana laga helay 17 qof oo rag ah,dadkaas oo ay ku jiraan hal Wasiir iyo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Puntland.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in qofkii saddexaad uu Puntland ugu geeriyooday Cudurka,waxaana dadka laga helay ay kala joogaan, 5 Ruux Boosaaso, 5 Ruux Magaalada Qardho, Saddex Riix deegaanka Weeciye, laba Ruux Magaalada Garoowe halka laba Ruux oo kale ay joogaan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Ugu dambeyn Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Puntland Abdinaasir Yusuf Xaaji ayaa sheegay in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 Puntland laga diiwaan geliyay ay noqonayso 76 Halka saddex qof ay ugeeriyoodeen xanuunka.

Tirada la baaray ee laga helay Cudurka Coronavirus ee deegaannada Puntland kama mid ahan xaaladihi cusba aoo ay shalay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomalaiya,hayeeshee Maanta la filayo inay Wasaaradda shaaciso.