Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Xijaar ayaa ku dhawaaqay tilaabooyin cusub oo ku saabsan Bandowga Saaran Muqdisho .
Waxaa uu sheegay si looga hortaggo in Cudurka Corona Virus uu kusii faafo dalka in lasoo hormariyay Bandowga xilliga Habeenkii ah ee Saaran Caasimada.
Taliyaha ayaa sheegay in laga billaabo kowda Bisha Ramadan uu bandowga Muqdisho billaaban doono 7-da fiidnimo halka markii hore uu ka ahaa 8-da habeennimo.
Waxaa uu sidoo kale xusay In tirada dadkii gaadiidka raaci jiray kala bar raacaan, tusaale gaariga rakaabka ee caasiga waxaa raacaa 20 ruux, waxaa la dhimay 10.
Ugu dambeyntii waxaa uu xusay in maqaayadaha Muqdisho waxaa la furi doonaa shanta galabnimo ilaa 7-da fiidnimo.



