Argagax ku saabsan faafitaanka Coronavirus wuxuu ka dhaliyay rabshado xabsi ku yaalla Colombia oo ay ku dhinteen 23 maxbuus, iyadoo Chile noqotay waddankii ugu dambeeyay Latin Ameerika ee ku dhawaaqa xaalad  xaddidaad ah.
Wasiirka Cadaaladda Colombia Margarita Cabello ayaa rabshadaha ku tilmaamtay iskuday goosasho ah, waxa ay sidoo kale sheegtay in ay ahayd qorshe maxaabiista ay ku doonayaan in ay xabsiga kaga baxaan.
Wasiirka ayaa diiday eedeymaha ay u soo jeediyeen kooxaha xuquuqda aadanaha ee ahayd in rabshadaha ay ka dhasheen nadaafad daro ka jirta xabsiga.
Bandoow lagu soo rogay dalka Chile wuxuu ka dhaqan galayaa dalka oo dhan laga bilaabo maanta.
Wasiirka Caafimaadka ee dalkaasi Jaime Manalich ayaa sheegay in Dalka laga helay kiisas gaaraya 632 oo caabuq, waxaana sidoo kale Chile ay diiwaan galisay dhimashadii ugu horreysa ee uu sababay Covid 19.
Ecuador waxay tahay dalka labaad ee tirada ugu badan ee dhimashada diiwaan galiyey gobolka oo dhan kadib Brazil.
Warka ayaa imanaya iyada oo dawladaha gobolka ay xoojinayaan dadaallo ay ku doonayaan inay ku yareeyaan faafitaanka masiibada, oo ay ku dhinteen kumanaan qof adduunka oo dhan.
Argentina, Bolivia, El Salvador iyo Paraguay waxay ka mid yihiin dalalka soo koraya dadaal ayeyna ku bixinayaan sidii ay dadkooda uga badbaadin lahaayeen Coronovirus.