Kooxda Real Madrid ayaa guul gaartay kulankii weynaa ee El Clasico ka dib markii ay dhigeeda Barcelona kaga taqalustay Labo goal oo ka kala yimid Vinicius JR iyo Mariano diaz, waxaana hadda hogaanka Horyaalka Spain la wareegtay Real Madrid oo hal dhibic ku qabatay.
Qeybtii hore ee Ciyaarta ayaa waxaa ay kuso idlaatey 0-0 ,iyad aoo taageerayaasha labada Kooxood uu mid waliba sugayay in uu guuleysan doono,hayeeshee qeybtii dambe ee Ciyaarta ay wax walba is bedeleen.
Daqiiqadii 71-aad Kooxda Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay xiddiga reer Brazil ee Vinicius Junior,sidoo kale Daqiiqadii 90-aad Real Madrid ayaa dhalisay goolkeeda labaad waxaana 2-0 ka dhigay Mariano Diaz.
Kulankii Xalay waxaa tarabuunka ka daawanayay halyeyga kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo,iyada oo Kooxda Barcelona looga badiyey 2-0.



