Dalka Suudaanta Koonfureed 13 askari ayaa lagu wadaa in maanta la soo taago maxkamad milatari.
Askartaani ayaa lagu eedeeyay in ay ka qayb qaateen weerar bishii Luuliyo ee sanadkii la soo dhaafay lagu qaaday hoteel ku yaala magaalada caasimadda ah ee Juba, halkaasi oo shaqaale ka shaqeeya arrimaha samafalka lagu kufsaday isla markaana lagu dilay weriye u dhashay dalkaasi
Haddii eedeymaha loo soo jeediyay lagu helo, askartani ayaa waxa ay muteysanayaan min 14 sano oo xarig ah oo ay ku muteysanayaan kufsiga shaqaalahaasi iyo min toban sano oo ay ku muteysanayaan dilka weriyaha.
Dacwaddan ayaa tijaabo weyn u noqon doonto hannaanka caddaaladda ee dalkaasi Suudaanta Koonfureed.
Sida lagu xusay warbixinno ay soo saareen Qaramada Midoobey iyo kooxaha xaquuqul insaanka, dhacdooyinka kufsiga, tacaddiyada dhanka galmada iyo dilalka ay geysanayaan ragga ku lebisan dareyska ciidamada ayaa caadi ka ah dalkaasi Suudaanta Koonfureed.
Waxay sidoo kale walaac ka muujiyeen isla xisaabtan la’aanta ka jirta dalkaasi, taa oo ay sheegeen in ay uga sii dareyso rabshadaha ka jira dalkaasi ay colaadda la degtay.



