Ibrahimovic ayaa labo gool ka dhaliyay kooxda West Brom kulankii ka dhacay The Hawthorns xili Manchester United ay rajo ka leedahay afarta sare ee Horyaaalka.
Zlatan Ibrahimovic ayaa ku bilowday mustaqbalkiisa Manchester United si wanaagsan isagoo 16 kulan ee ugu horeyay Premier League ku dhaliyay tiro lamid ah goolal ay hore u dhaliyeen ciyaartooy waaweyn oo soo maray kooxda.
Ibrahimovic ayaa labo gool u dhaliyay United kulankii ay 2-0 kaga badiyeen kooxda West Brom, waxaana uu haatan dhaliyay 11 gool 16kiisa kulan ee ugu horeysa Horyaalka Premier League.
weeraryahanadii hore ee Manchester United Robin van Persie iyo Andy Cole ayuu barbareeyay Ibrahimovic oo dhaliyay 11 gool 16kiisa kulan ee ugu horeeyay Horyaalka
Ibrahimovic oo 35 jir ah ayaase ka dambeeyay weeraryahankii hore ee xulka Holland iyo Kooxda Manchester United Ruud Van Nestelrooy.


