Dad Shacab ah oo xalay lagu Xasuuqay Shabeelaha Hoose

Wararka ka imaanaya Degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay kusoo waramayaan in halkaasi ay xalay ku geeriyoodeen Lix qof oo shacab ah.

Lixdaan qof oo saarnaa Gaari Homey ah oo ka ambabaxay Degmada Qoryooley , islamarkaana Khudaar u siday Magaalada Baydhabo ayaa lagu dhuftay Baasuuge sida ay inoo sheegeen dadka degaanka.

Dadka dhintay ayaa kala ahaa 3 rag ah iyo 3 dumar.

Maamulka degmada Qoryooley oo aan la xariirnay ayaa kagaabsaday in uu hadda  faahfaahin uu ka bixiyo dhacdadaan xalay lagu xasuuqay shacabka.

Ilaa iyo hadda ma cadda cida soo tuurtay Baasuugaha ku dhacay Gaariga.