War hadda soo dhacay oo la xiriira dhinaca Cayaaraha ayaa waxa uu sheegayaa in Kooxda Kubadda Cagta ee Real Madrid ay heshiis kale la saxiixatay Tababarahoodii hore ee Zinadine Zidane kaas oo markale leylin doona Kooxdaas.
Tababare Zidane ayaa Kooxda Real Madrid waxa uu la qaaday Saddex Koob champions league, waxaana Kooxda ay Caawa ku dhawaaqday in ay heshiis kale la gashay si uu dib ugu soo laabto.
Kooxda Kubadda Cagta ee Real Madrid ayaa sanadkaan ka hartay dhamaan Koobabkii waaweyna kadib markii hoos u dhac weyn uu ku yimid,waxaana ay ku dhaweyd inay weyso Horyaala Spain.
Tababarihii xilligaan ee Kooxda Kubadda Cagta ee Real Madrid santiago solari ayaa Shaqadii laga eryay, waxaana bedelaya Zinadine Zidane oo kooxda leylin doona ilaa laga gaaro Sanadka 2022.