Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa waxa uu Madex ka ahaa Jamhuuriyada Djibouti muddo 17 sanadood ah, waana madaxweynaha labaad ee uu dalkaasi yeesho tan iyo markii ay xorriyadda ka qaateen dalka Faransiiska sanadkii 1977kii.
Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ayaa la xaqiijiyey in uu guulestay doorashadii ka dhacay dalka jabuuti, Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Djibouti,
Ismaaciil cumar geelle ayaa helay 68.68 boqolkiiba codadkii ay dadku dhiibteen, isagoo ku guuleystay wareeggii hore ee doorashada, waxaana sidaas xalay warbaahinta u xaqiijisay Wasaaradda arimaha gudaha ee dalka jabuuti.
Mid ka mid Musharaxiinta Mucaaradka ah ayaa helay 7.32 boqolkiiba waxaana lagu Magacaabaa Cumar Cilmi Kheyre.
Murashixiinta kale ayaa iyana kala helay: Maxamed Dauud Shixin 2.28% Maxamed Muuse Cali 1.53%, Xasan Idiris Axmed 1.39%, Jamac C.raxman Jamac 0.79%.


