Xukuumadda xil gaarsiinta oo ka hadashay fashilka ku yimid shirkii kala dhaxeeyay Musharaxiinta

Ra’iisul wasaaraha Xil gaarsiinta Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay sababtii keentay in uu fashilmo shirkii kala dhaxeeyay Midowga Musharaxiinta ee maalmihii lasoo dhaafay ka socday Magaalada Muqdisho.

Rooble waxaa uu tilmaamay in dhammaan qodobadii laga wadahadlay qaarkood la isku fahmay marka laga reebo qodobka ku saabsan in Midowga Musharaxiinta qeyb ka noqdaan hanaanka doorashooyinka dalka.

Waxaa kaloo uu tilmaamay in uu diyaar u yahay in uu sii waddo wadahalada si loo gaaro heshiis midhodhal ah.

Qoraal uu soo saaray ayaa sidaan u qornaa:

Shirkii aan la qaatay Midowga Musharaxiinta, waxaan sameynay tanaasul badan. Qodobbadii aan ka hadalnay waan isku raacnay marka laga reebo qodob ay ku adkeysteen oo ah in laga qeyb galiyo shirka Madasha Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, taas oo la macne ah in dib loo furfuro heshiiskii 17-kii September,2020, oo aanan kaligey xaq u lahayn wax ka baddelkiisa.

Wali Albaabadeydu way u furan yihiin wada hadal iyo is-qancin, si aan xal kama dambeys ah u gaarno dalkana uga hirgalinno doorasho hufan oo si nabad ah ku dhacda.