Midowga Musharaxiinta ” Shirka waxaa fashiliyay dadka farriimaha u soo dirayay Rooble oo ah mid aan aqoon awooddisa dastuuriga ah”

Shirkii u  dhaxeeyay Midowga Musharaxiinta iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kusoo dhamaaday fashil ka dib markii la isku fahmi waayay qaar ka mid ah qodobada.

Qodobka ugu adag ee keenay fashilka ayaa ah in Midowga Musharaxiinta ay kaalin ku yeeshaan ka qeyb galka hanaanka doorashooyinka dalka iyo sidoo kale meelaha lagu gaarayo go’aamada ku saabsan arrimaha siyaasadda.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ka dab qaadanaysa Madaxweynaha Waqtigiiso dhamaaday ay ku adkeysatay in qodobadii heshiiska aysan aqbalin.

Waxaa uu ku eedeeyay ra’iisul wasaare Rooble mid aan la heyn go’aanka doorashooyinka dalka taa badalkeeda uu uga dambeeyo Madaxweynaha waqtigiiso dhamaaday ee Farmaajo oo uu sheegay in uu si joogto ah farriimo ugu soo dirayay.

“Shirka waxaa fashiliyay dadka farriimaha u soo dirayay Rooble oo ah mid aan aqoon awooddisa dastuuriga ah” ayuu yiri Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaam Cabdishakuur Warsame.