Xubno ka Tirsanaa Xisbiga Wadajir oo iscasilay

Xubno badan oo ka tirsnaa Xisbiga wadajir ee uu hogaamiyo Xildhibaan cabdiraxmaan Cabdi shakuur Warsame ayaa iscasilay, kuwaas ahaa xubnaha ugu muhiimsan ee ka  dhex muuqday Xisbiga wadajir.

Xubno iscasilay ee Xisbiga wadajir ayaa Tiradooda ay tahay  19, waxaana qaarkood xilal ay ka hayaan dawlada federaalka Soomaaliya

Lama oga sababta ay isku casileen Xubnahaan ka tirsanaa Xisbiga wadajir balse warar hoose oo ay heshay idaacdda Risaala ayaa sheegaya in sababta ay isku casileen 19kaan xubnood ee Xisbiga wadajir ayaa lagu sheegay  isfaham darro soo kala dhex gashay iyaga iyo hogaanka Xisbiga

Sidoo kale warar ayaa sheegaya in xubnaha iscasilay ee xisbiga wadajir oo xilalka ka haya dawlada federaalka uu Cadaadis uga yimid dhinaca dawlada.