Wasiirka Arrimaha dibedda XFS Mudane Abshir Cumar Jaamac oo magaalada Doxa ee dalka Qatar kaga qayb gelaya shirka caalamiga ah ee wadamada soo koraya ( LDC5) oo tobbankii sano ba mar la qabto, ayaa kulan doceed muhiim ah la yeeshay Agaasimaha guud ee Hay’adda Horumarinta iyo Iskaashiga dowladda Switzerland Amb. Patricia Danzi.
“Waxaan ka wada hadalnay dhinacyada aan iska kaashan karno iyo khibradda Dowladda Switzerland ee dhinacyada horumarinta arrimaha bulshada maadaama ujeedada ugu weyn ee shirkani ay tahay in wadamada horumarka sameeyay khibraddooda iyo taageeraba la wadaagaan dalalka soo koraya”ayuu sidoo kale yiri wasiirka Arimaha dibdaa soomaaliya Abshir Cumar Jaamac.
Kulankan ayaa waxa Wasiirka ku weheliyay Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare ee XFS mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo madaxa ergada inoo joogta xarunta qaramada



