Xubno ka tirsan Alshabaab oo Weerary Saldhig ay leeyihiin Ciidanka ATMIS

Faah Faahino ayaa ka soo baxaya  Weerar Xubno ka tirsan  Al-Shabaab ay  ku qaadeen saldhig ciidamo ka tirsan Hawllgalka  ATMIS ay ku leeyihiin duleedka magaalada Baraawe ee Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in Weerar uu xigay  dagaal toos ah oo u dhexeeyay Alshabaab iyo  ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda oo degan Saldhiga ay shabaabka weerareen.

Ciidamada ATMIS ayaa la sheegayaa in iska caabiyeen weerarka lagu qaaday, waxaana degan xaalada Saldhiga ay Weerareen Al-Shabaabiyadoo welli  Saldhigaas ay ka gacabta ku haayan Ciidanka ATMIS.

Alshabaab ayaa guulo ka sheegatay Weerarkaas  iyaga oo sheegay in khasaare ay ku gaarsiiyeen Ciidanka Uganda  Weerarkii ay ku qaadeen Saldhigooda oo ku yaala Magaalada Bararaawe ee gobolka shabeelada Hoose.

Sidoo kale  ciidamada ATMIS oo ay wehliyaan Ciidamo ka tirsan Xoogga   dalka ayaa dagaalka kadib howlgallo ka dhan ah Alshabaab ka sameeyay  Nawaaxtiga Saldhiga uu weerarka ka dhacay degmada Baraawe ee gobolka shabeelada Hoose.

Lama oga illaa hadda Khasaaraha ka dhashay Weerarka  Alshabaab ay ku qaadeen Saldhiga ATMIS ay ku leeyihiin Magaalada Baraawe ee gobolka shabeelada Hoose .