Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka dhacay bannaanbax lagu taageerayo wax ka badalka Dastuurka.
Dibad baxaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir, waxaana ka qeyb galay madaxda gobolka Banaadir , masuuliyiin ka tirsan Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Dad shacab ah oo laga kala keenay degmooyinka gobolka Banaadair.
Banaan baxa ayaa u jeedkiisu yahay in lagu Taageero qorshaha wax ka bedelka Dasturka ee at wado Dawlada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Masuuliyiintii ka qayb gashay banaanbaxa ayaa halkaasi ka jeedeeyay khudbado la xariira arrimaha wax ka badalka Dastuurka iyo muhiimadda uu u leeyahay dalka iaydoo shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta ugu baaqay in ay taageeraan oo ay gara istaagaan wax ka bedelka Dastuurka .
Hase ‘ahaatee ‘ Amniga magaalada Muqdisho ayaa Aad loo adkeeyay, waxaana la xiray wadooyinka soo gala Taalada Daljirka Dahsoon oo ah halka uu banaanbaxa ka dhacay .



