Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta magaaladaasi ay ku wajahan yihiin xubno ka socda Urur goboleedka IGAD.
Ujeeda wafdiga ayaa la sheegay in ay tahay in la kulmaan odayaasha dhaqanka magaalada Beledweyne oo ay kala hadli doonaan maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe .
Xubno ka tirsan xafiiska Urur goboleedka IGAD ayaa Risaala u xaqiijiyay safarka xubnaha ka socda urur goboleedka IGAD ee ku wajahan magaalada Beledweyne.


