Howlgalo ka socda Deegaanka Diif

Ciidanka ammaanka dowladda kenya ayaa la soo sheegaya in ay howlgal ay ka wadaan deegaanka Diif ee oo gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Ciidanka dowladda Kenya ayaa la sheegaya in ay dadka Shacabka ah ku amreen in aysan kasoo bixikarin guryaha ilaa iyo inta uu ka dhamaanayo howlgalka.

Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ayaa shalay weerar gaadmo ah ku qaaday saldhig ciidanka dowladda Kenya ay kuleeyihiin deegaanka Diif oo hoostaga degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari.

Al-Shabaab ayaa shalay la sheegay in ay ka furteen hub ciidanka dowladda Kenya ee ku sugan deegaanka Diif oo ka tirsan degmada Wajeer.