Xubnaha Aqalka Sare oo maanta kulmaya

Xildhibaanada  Aqalka Sare ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu wadaa  kulan in ay ku yeeshaan xarunta Golaha Aqalka Sare ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ayaa kulankooda maanta waxaa ay ku magacaabi doonaan xubnaha Guddiyada Aqalka Sare.

Sidoo kale kulanka Golaha Aqalka Sare ayaa warbixin ku saabsan arimaha doorashooyinka looga dhageysan doonaa masuuliyiinta Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Soomaaliyeed.