DEG DEG: Dagaal Khasaare geystay oo ka dhacay Shabeelaha Dhexe

Wararka naga soo gaaraya degaanka Jameeca Misra oo ka mid ah degaanada gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi saaka uu ka dhacay dagaal khasaare geystay.

Dagaalkaan ayaa u dhaxeeyay Maleeshiyaad xoolo dhaqato ah.

Inta la xaqiijiyay ilaa iyo hadda waxaa ku dhintay hal qof waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tiro kale.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku baxay goobta lagu dagaalamay.