Xisbiyadda Siyaasadda ee ka jira Soomaaliya ayaa si weyn walaac uga muujiyay qodobo laga soo saaray Shirka dib u heshiisiinta maamulka Galmudug oo maalmihii ugu dambeeyay ka socday Magaalada Dhuusamareeb.
Xisbiyadda dalka waxa ay sheegeen in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ugu baaqayaan in Afduubka laga joojiyo maamulka Galmudug.
Waxa ay sheegeen in dowlada dhexe ee Soomaaliya ay baalmartay hanaanka Siyaasadda iyo dastuurka, islamarkaana ay si buuxda ula wareegtay howlaha maamulka Galmudug.





