Taliyaha Sirdoonka Angola oo Muqdisho soo gaaray

Taliyaha Ciidanka Nabad suggid iyo Sirdoonka dalka Angola ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxaana uu la kulmay taliyaha Ciidanka NISA.

Taliyaha ayaa waxaa Garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyay Taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Bogga Twiterka NISA ayaa lagu shaaciyay in labadda taliyaha ay ka wada hadleen Sidii loo xoojin lahaa Wada shaqeynta iyo sidoo kale sidii dowladda Angola ay Soomaaliya uga faaideysan laheyd la dagaalanka Argagixisadda.