Eng. Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa ku baaqay in Somaliland ay joojiso Wada-hadallada ay doonayso inay dib ula bilowdo Soomaaliya.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya xiriirka u jartay Dalka Gini, markii uu booqday Madaxweynaha Somaliland, islamarkaana ay si weyn uga soo horjeedo horumarka Soomaaliya.
“Madaxweynuhu markuu soo noqdo waxaanu jecellahay in Qaraar la soo saaro odhanaya ‘Wax Wada hadal ah oo aanu Soomaaliya la yeelanaynaa ma jirto, maaddaama oo aanay jirin Dawlad nala siman oo Dadkeedu soo doorteen oo Dadkeeda matashaa, la fadhiisan mayno, markaa waxaanu leenahay Wada-hadallada hala joojiyo, xidhiidhkooda hala joojiyo.” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.
“Waxaan aad iyo u Hambalyeynayaa Waddanka Gini iyo Madaxdooda, sida Sharafta leh ee ay Weftigeennii Madaxweynuhu hoggaaminayey u soo dhaweeyeen, Tallaabadaa uu Madaxweynuhu u tagay Gini, tii aanu ku tagnay Kenya iyo kuwo kale oo socdaba waxaanu aragnaa inay noqdaan qaar horseeda sidaynu u heli lahayd Xuquuqdeenii.” ayuu intaa ku daray Gudoomiye Faysal.


