Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu hor yimaado Golaha Shacabka si wax looga weydiiyo Kiiska badda Soomaaliya.
Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel oo ka mid ah xildhibaanaddaasi ayaa sheegay in xildhibaanada Golaha Shacabka ay Shaki badan ka qabaan sidda ay wax ku waddo Xukuumadda Soomaaliya.
Waxaa uu tilmaamay in aysan faahfaahin ka heynin tilaabadda xukuumadda oo aan wali baarlamaanka Soomaaliya la horkeenin laakiin dowladda Kenya dhankeed ay waddo abaabul weyn oo Muuqda.
Dowladda Kenya ayaa maalmihii ugu dambeeyay waday dadaallo ay ku doonayso in ay kaga baxdo Kiiska badda Soomaaliya ee yaalla Maxkamada Caalamiga.



