Xisbiga Himilo Qaran oo Shaqada ka joojiyey xoghayahoodii

Kadib kulan ay Magaalada Muqdisho ku yeesheen Golaha Fulinta ee Xisbiga Himilo Qaran ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen inay Shaqadii ka joojiyeen Xoghayihii Xisbiga Xildhibaan Cabdi Xakiin Macalin Axmed.

Xubnaha Guddiga ayaa waxaa ay sheegeen in Shaqada laga joojin karo Xubin kamid ah Xisbiga hadii uu jebiyo Xeer u degsan Xisbiga Himilo Qaran,sidaasina looga joojiyey.

Xubnaha si cad uma sheegin sababta keentay Shaqa joojinta,hayeeshee Xildhibaanka ayaa maalin ka hor kasoo horjeestay War-saxaafadeed kasoo baxay Madasha Xisbiyada oo uu kamid yahay Xisbiga Himilo Qaran kaas oo lagu cambaareeyey Ciidamo Itoobiyaan ah oo la geeyey Dhuusamareeb.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook,kadib War-Saxaafadeedkii Madasha Xisbiyada ayaa waxaa uu ku beeniyey in Ciidamo itoobiyaan ah oo aan ka tirsaneyn AMISOM la geeyey Dhuusamareeb,isaga oo sheegay in Ciidamo ka kala socda Jabuuti iyo Itoobiya muddo Saddex bilood ah ku sugan yihiin Dhuusamareeb.

Si kastaba weli Xildhibaan Cabdi Xakiin Macalin Axmed Xoghayihii Xisbiga Himilo Qaran kama hadlin Go’aanka xisbiga oo ay ku sheegeen inay Shaqadii ka joojiyeen.