Siyaasiyiinta mucaaradka oo ku qul qulaya Xarumaha Wakiilada Caalamka ee Muqdisho

Labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya ay bilaabeen inay kulamo la qaataan Wakiilada Xubnaha  Beesha Caalamka ka joogaan Magaalada Muqdisho.

Kulankii ugu horeeyey waxaa shalay Muqdisho ku yeeshay  Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Sheeh Sheekh Axmed iyo Safiirka Mareykanka Amb,Donald Yamamota,waxaana Sh. Shariif uu safiirka u gudbiyey in marnaba aysan ogolaan doonin in dib ay u dhacdo doorashada Soomaaliya.

Maanta oo Isniin ah waxaa Muqdisho kulan ku yeeshay laba kamid ah ah musharixiinta Madaxweynaha Galmudug,kuwaas oo kala ah Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo katirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Kamaal Guutaale oo kamid ah madaxda Xisbiga Wadajir.

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen baahida loo qabo in si hufan oo cad ay u dhacdo doorashada Galmudug oo Xubnahaan ay ka walaacsan yihiin sida ay wajaheyso Dowladda Soomaaliya.

Sidoo Maanta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb, James Swan.

Qoraal laga soo saarey Xafiiska Swan ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadleen doorashada qof iyo cod ah oo la filayo inay ka dhacdo Somalia iyo xaaladihii ugu dambeeyey ee siyaasadda Soomaaliya.

Dhamaan kulamada ay shalay iyo Maanta la qaateen Xubnaha mucaaradka ku ah dowladda hadda jirta Wakiilada Beesha  Caalamka ka jooga Muqdisho ayaa waxaa ay dirada ku saareen Arrimo la xiriira doorashada Soomaaliya oo ay ka harsan tahay in ka badan Sanad.