Xilkii Abaanduulka Ciidanka xoogga oo la baab’iyay

Isbedal weyn ayaa lagu sameeyay taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed sidda ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan xarunta Taliska xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana wax laga bedalay maamulka Ciidanka.

Waxaa sidoo kale meesha laga saaray Ama  la baabi’iyay xilkii Abaanduulka oo ka mid ahaa xilalka ugu waa weyn ee Taliska Ciidanka xoogga dalka ,islamarkaana qaabilsan hoggaaminta iyo abaabulka dagaallada.

Xilal ka hooseeyay Abaanduulaha ayaa kor loo soo qaaday sidda taliska Ciidanka lugta oo loo Magacaabay Jen. Odawaa Yuusuf Raagge oo ahaa abaanduulaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xilkii abaanduulka ayaa la sheegay in loo bedelay hab maamul ka duwan sidii ay horay ugu shaqeyn jireen Abaanduulayeyaasha Ciidanka xoogga dalka, waxaana loo Magacaabay Sarkaal magaciisa lagu soo gaabiyay Xijaar oo ka mid ahaa Saraakiishii hore, isla markaana dowladdii C/llaahi Yuusuf ka soo noqday xilka Taliye kuxigeenka Ciidamada.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u burburisay taliskii Hay’adda NISA ee hubeysanaa, waxaana ay ka dhigtay mid sirdoon, waxaana qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay sheegeen in Amnidaradda sii korortay ay qeyb ka tahay Ciidankii NISA ee loo badelay booliska.