Xildhibaano booqday Askartii lagu soo dhaawacay weerarkii Bariire “SAWIRRO”

Muqdisho-RisaalaFM- Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa booqasho ku tagay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, oo lagu daaweynayo Askartii ku soo dhaawacantay dagaalkii 29-kii September ka dhacay degaanka Bariire.

Gudoomiye Ku xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare ee dalka Abshir Bukhaari, Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, Xildhibaan Warsame Maxamed Xasan (Joodax) iyo Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa ka mid ahaa Xildhibaanada booqday ciidanka dhaawaca ah.

Waxa ay soo eegeen Xildhibaanadan dhaawaca Askarta, waxaana ay sidoo kale warbixin ka dhageysteen Dhaqaatiirta Isbitaalka Madiina si ay u ogaadaan xaalada Bukaanada Ciidanka ah.

Askartii dhaawaca uu soo gaaray ayaa Xildhibaanada uga sheekeeyay qaabka dagaalkii Bariire loogu soo qaaday iyo askartii halkaasi ku geeriyootay.

Xildhibaanada tagay Isbitaalka Madiina, ayaa u balan qaaday Askarta dhaawaca inay garab istaagi doonaan, sidoo kalena ay kala qayb qaadan doonaan sidii ay ula qaybsan lahaayeen dhibaatada askartaasi soo gaartay.

Shabaab ayaa weeraro qorsheysan ku qaaday Jimcihii la soo dhaafay laba Xero oo Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ku leeyihiin Degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose halkaasi oo ay ku dileen ciidamo badan.