Dowladda oo ka hadashay weerarkii magaalada Las Vegas

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka hadlay weerarkii shalay oo Isniin aheyd ka dhacay magaalada Las Vegas ee dalka Mareykanka.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) oo ku qornaa Luqada English-ka ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ka tacsiyadeynayo weerarkii Argagixiso ee ka dhacay magaalada Las Vegas.

“Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed waxay dhibaatada la qeybsanayaan Ehelada dadkii lagu laayay toogashada, falalka nuucaan oo kale waa kuwo Argagixiso, shacabka waxaan ugu baaqeynaa in ay la shaqeeyaan Dowladda.” Ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta.

Booliiska Maraykanka ayaa shaaciyay magaca qofka lagu tuhunsan yahay in uu dadka badan ku laayay magaalada Las Vegas ee dalkaas.

Nin magaciisa lagu sheegay Stephen Paddock oo 64 jir ah, ayay booliiska sheegeen in uu mas’uul ka ahaa dilka 50 qof iyo dhaawaca boqolaal kale.

Waxa uu ka soo jeedaa magaalada Mesquite ee gobolka Navada, wuxuuna rasaas oodda kaga qaaday dad daawanayay bandhig fanneed uu dhigayay musiigiistaha lagu magacaabo Jason Aldean habeenimadii Axadda sii baxaysay.

Waa dhacdadii ugu xumeyd oo lagu laayo dadkii ugu badnaa oo Amerikan ah gudaha Maraykanka inta la xusuusto taariikhda, Bishii June ee sanadkii 2016-kii ayaa iyana la dilay 49 qof toogasho ka dhacday magaalada Orlando ee Maraykanka.