Jubbaland oo faah faahin ka bixisay Howlgallo amni xaqiijin ah

Kismaayo-RisaalaFM- Ciidamada Booliska maamulka Jubbaland oo garab ka helaya shacabka ayaa waxa ay wadaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo, kuwaasi oo habeen iyo maalinba ka socda gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan magaalada Kismaayo.

Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Jubbada Hoose Korneel Axmed Naasir ayaa sheegay in lagu qasban yahay habeen iyo maalinba in la wado howlgallada ka dhanka ah ururka Al-shabaab.

Wuxuu sheegay Taliyaha ujeedada howlgaladan in ay yihiin fulinta amarkii Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

“Waad ogtahay waxaa nagu xiriira cadow xun oo midabka Soomaalida oo kale leh, marka waa lagu qasban yahay in habeen iyo maalinba la soo jeedo, marka isgoys, xaafad, dariiq iyo guriba waa la dul taagan yahay, si amniga loo sugo.” Ayuu yiri Korneel Axmed.

Wuxuu kaloo sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Jubbada Hoose in ay qabanayaan kana hortagayaan raga falalka amni daro geysta, Tuugada, iyo dadka waxyaabaha maanka dooriya ka ganacsada, maadaama shacabka ay dhibaato u keenayaan.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa hada waxa uu yahay mid sugan oo la isku haleyn karo, maadaama ay aad u wada shaqeeyaan Ciidamada Booliska iyo shacabka.