Muqdisho-RisaalaFM- Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa xasilinta ayaa xalay Howlgal waxa ay ka sameeyeen degmada Waaberi, gaar ahaan Waaxda Hanti-wadaag.
Ciidamada oo howlgalka bilaabay saqdii dhexe ee xalay ayaa guri guri u galay guryaha ku yaalla Waaxda Hanti-wadaag, iyaga oo soo kaxeystay dhalinyarada ku jirta guryaha, si baaritaano loogu sameeyo, su’aalana loo weydiiyo.
Howlgalkan ayaa intii Ciidamada ay wadeen waxa ay ku soo qabteen boqolaal dhalinyaro ah, kuwaasi oo la geeyay Buundada ku taalla degmada si halkaasi loogu kala saro.
Qof goobjooge ah oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in dadka qaar la soo daayay, halka qaarkood oo tuhun uu ku jirana Ciidamada ay ula dhaqaaqeen xarumaha Ciidamada baarista ee magaalada Muqdisho.
Saraakiisha Ciidamada ammaanka ayaa waxa ay sheegeen ujeedka howlgalkan in uu yahay xaqiijinta amniga, maadaama maalmihii dambe degmada Waaberi ay ka dhaceyeen falal ka baxsan amniga.
24-kii September ayay aheyd kadib markii xilli habeen ah degmada Waaberi lagu dilay General Cabdulle Qururux oo ahaa Taliye ku xigeenkii Saadka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo askari ilaalo u ahaa.


