Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Ansixiyay Ra’iisulwasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo uu dhawaan uu soo magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya.
Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo khudbad ka horjeediyay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka codsaday in ay Ansixiyaan.
Ra’iisulwsaaraha Soomaaliya ayaa xildhibaanada hortooda ka jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlayay Waxyaabaha ay qaban doonto dowladiisa.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari ayaa sheegay in Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya xildhibaanada ay ku ansixiyeen cod Aqlibiyad leh.
Kulanka Baarlamaanka waxaa joogay 231 xildhibaan dhammaantoodna waa ay ogolaadeen Ra’iisulwasaaraha .


