Wararka aan ka helayno Degmada Dharkeynley Gobolka Banaadir, ayaa waxa ay sheegayaan gaari nuuciisa uu yahay Kaarib in uu ku Qarxay degmada Dharkeynley.
Gaarigaan ayaa la sheegay inuu maraayay inta u dhaxeysa Dabakaayo Madoow iyo Dabakaayo Cagaar, gaar ahaan nawaaxiga Isbitaal Macaani ee Degmada Dharkiinley.
Warar ay heshay Risaala ayaa waxaa ay sheegayaan in Gaariga qaraxa lagu xiray uu lahaa Macalin oo Aadan Goomey oo ahaa Macalin iskuul.
Goobta ay wax ka dhaceen ayaa hadda waxaa ku sugan ciidamada dowladda Federalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Saldhig Galbeed oo durba meesha soo gaaray.


