Muqdisho-RisaalaFM- Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeelanaya Magaalada Muqdisho ayaa markii ugu dambeysay talooyinkooda ku daraya Miisaaniyadda Dowladda ee 2018-ka.
Xildhibaanada ayaa lagu wadaa iney cod u qaadaan Miisaaniyadda dowladda 2018 oo maalmihii dambe ay dood adag ka lahaayeen.
Guddiga Maaliyadda iyo Wasaarada Maaliyadda ayaa looga fadhiyaan in meelaha ay cabashada ka yihiin iney wax ka badalaan kuna daraan talooyinka Xildhibaanada Baarlamaanka.
Guddoonka Golaha Shacabka ayaa sheegay in maanta aqrintii ugu dambeysay ay mareyso Miisaaniyadda dowladda 2018, go’aana ay ka gaarayaan Xildhibaanada maanta oo ah iney u codeeyaan iyo iney diidaan.


