Hargeysa-RisaalaFM- Munaasabadda dhaarinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ee la soo doortay 13-kii November ayaa maanta oo Arbaco ah ka qabsoomaysa xarunta Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa.
Munaasabaddan ayaa waxaa ka soo qayb galaya wufuud kala duwan oo ka kala imaanaysa wadamada Africa, Europe iyo dalalka carabta, waxaana Masuuliyiinta imaaneysa ka mid ah Safiiro, Xildhibaano iyo Wasiiro ka kala imaanaya wadamo dhawr ah.
Muuse Biixi Cabdi ayaa noqonaya Madaxweynihii 5-aad ee ay Somaliland yeelato tan iyo 1991-kii markii Somaliland ku dhawaaqday gooni isku taaga, waana madaxweynihii 3-aad ee si dimuqraadi ah dadweynuhu codkooda ugu soo doortaan.
Halka Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uu noqonayo Madaxweyne ku xigeenkii 4-aad ee Somaliland kadib markii isaga mar labaad dib loo soo doortay.
Xafladda Caleemo saarka lagu qabanayo magalada Hargeysa ayaa noqonaysa markii ugu horaysay ee laba Madaxweyne oo la soo doortay laba xili oo ka soo wada jeeda Hal xisbi ay xilka la kala wareegaan.
Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin oo bishii July 2010-kii xilka madaxtinimo ku wareejiyay madaxweyanaha haatan talada ka sii degaya Axmed Maxamed Silaanyo oo kaga guulaystay doorashadii 26-kii June 2010 ayaa ka mid ah masuuliyiinta ka qayb galaya munaasibadda dhaarinta madaxda cusub.
Ilaa hadda war rasmi ah lagama hayo in musharaxiintii xisbiyada mucaaradka ee la tar tamay Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici ay ka soo qayb galayaan xafladda caleemo saarka iyo in kale.
Dadweynaha Reer Somalialand ayaa aad ugu dheg taagaya xukuumadda cusub ee uu soo dhisi doono Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, inkasta oo aan ilaa hadda wax macluumaad ah laga haynin xubnaha ku jira golaha wasiirada Cusub ee madaxweyne Biixi soo dhisi doono.
Mudada Xilka Madaxweynaha iyo M/weyne ku xigeenka cusub waa shan sanadood oo ka bilaabmaysa marka ay maanta si rasmi ah ula wareegaan loona dhaariyo xilka.
Caqabadaha hor yaala xukuumadda Cusub wax ka mid ah shacbi si wayn ugu kala qayb samay tartankii xisbiyadu ay ugu jireen loolanka madax tinimo, sicir barar saamayn wayn ku yeeshay nolosha dadka miyi iyo magaalo ba, abaaro ragaadiyay wax soo saarkii beeraha oo keentay in dad badani u baahan yihiin kaalmo kadib markii tacabkii beeruhu gabaabsi noqday iyo sidoo kale qabashada doorashada golaha wakiilada oo mudo dhaaftay.
VOA



