Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa sheegay in uu ayiday war kasoo baxay duqa Muqdisho ee ahaa in cadaaladda la horkeeno askari darawal Mooto Bajaajle ahaa Maanta ku dilay Magalada Muqdisho.
”Waxaan ayidayaa baaqii Guddoomiyaha gobolka Yariisow In danbiilihii diley wiilka dhallinyarada ah ee xoogsatada ahaa Allaha u naxariistee In sharciga la horkeeno sida ugu dhaqsiyaha badan.
Waxa uu sheegay Xildhibaanka in aysan Suurtagal aheyn In shacabka laba dhinac laga dilo ama laga ciqaabo, Alshabaabna In ay qarxiso maalin kasta, ciidamada dawladduna ay gardarro ku dilaan ma ahan wax la aqbali karo ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.
Falkii Maanta Askari ka tirsanaa Ciidamada Minashiibiyada uu ku dilay darawal Mooto Bajaajle ahaa ayaa waxaa aad uga carooday dad badan oo Soomaaliyeed,waxaana Muqdisho ka dhacay banaanbaxyo looga soo horjeeday.



