Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID Soomaaliland Maxamuud Cali Saleeban (Ramaax) ayaa sheegay in Soomaaliland loo soo maleegay shirqool la doonayo in leys-kaga horkeeno.
Shir Jaraa’id uu ku qabtay Maanta oo Isniin ah Magalada Hargeysa ayaa waxaa uu sheegay in dowwladaha Jabuuti iyo Soomaaliya ay Shirqool ku wadaan Soomaalialnd,isla markaana ay shaki gelinayaan maalgashadayaasha.
Waxa uu hadalka intaasi ku daray in ay jiraan dad badan oo diidan Gooni isu-taaga Soomaaliland,kuwaas oo dhinac walba kasoo marayaan Soomaaliland,waxaana xukuumadda Muuse Biixi uu ugu baaqay inay si deg deg ah tallaabo uga qaadaan.
Kulamo ayuu sheegay inay wada qaateen Xisbiyada Mucaaradka Soomaaliland,isla markaana ay ka tashadeen khalqal gelinta Soomaaliland oo sida uu sheegay laga soo abaabulay dalka jabuuti.
Arrintaan ayaa waxaa ay u muuqataa in xiisad Cusub ay ka dhex bilaabatay dowladda Jabuuti iyo Soomaaliland,waxaana daba socotaa xilli Madaxweynaha Jabuuti uu dalbaday in loo gacan galiyo Ganacsade Axmed Geele oo magaalada Hargeysa ku sugan.



