Beledweyne-RisaalaFM- Xildhibaan Maryan Axmed Haaruun oo ka mid ah xildhibaandii dhawaan tagay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan oo la hadashay Idaacadda Risaala ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay howlaha halkaasi ay u tageen.
Waxaa ay sheegatay Xildhibaan Maryan Axmed Haaruun qatarta ay ku haayaan Al-shabaab degaanada gobalka Hiiraan in ay badan tahay, loona baahan yahay in wax badan laga qabto.
Waxa ay intaa ku dartay in Ciidamada Dowladda ee jooga gobalka Hiiraan ay ku aadaan ururka Al-shabaab balse ay u baahan yihiin saanad Millatari.
Sidoo kale waxa ay sheegtay in Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ay u gudbin doonaan baahiyaha dhanka hubka ah ee ay qabaan Ciidamada Dowladda ee jooga gobalka Hiiraan.
Xildhibanadan ayaa u tagay degaanada Maamulka Hirshabeelle gaar ahaan gobalka Hiiraan sidii ay u soo dhiira galin lahaayeen Ciidamada Dowladda ee jooga halkaasi una soo arki lahaayeen baahiyaha ay qabaan ciidamada.


