Xildhibaan ka badbaaday isku day dil Magaalada Muqdisho

Xildhibaan Daahir Aamin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ka badbaaday Qarax loogu xiray gaarigiisa oo ka dhacay Wadada Makah Al-Mukaramah ee Muqdisho.

Gaari noociisa uu yahay Hilux oo uu leeyahay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, ayaa ku qarxay afaafka hore ee Hotelka Maka Al-Mukarama, xilli Daahir Amiin Jeesow la sheegay inuu ku jiray Carwo halkaasi ku taalla.

Labo ruux oo la sheegay in ay saarnaayeen gaariga Xildhibaanka ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa soo gaaray goobta uu Qaraxu ka dhacay, waxaana damiyeen gaarigii Qarxay oo gubanaayay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku badan gawaaridda lagu xiro waxyaabaha Qarxa, waxaana inta badan Mas’uuliyadda Qaraxyaddaasi sheegta Ururka Al-Shabaab.