Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qarax goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho,kaasoo ahaa mid lagu xiray gaari Noociiso uu yahay Hilux .
Qaraxa ayaa ka dhacay kasoo horjeedda Hoteelka Makah Al-Mukaramah.
Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen goobjoogayaal hal qof ayaa ku dhaawacmay Qaraxa oo ahaa mid loogu xiray gaarigii uu watay qofka dhaawacmay.
Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa soo gaaray goobta uu Qaraxu ka dhacay, waxaana damiyeen gaarigii Qarxay oo gubanaayay.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku badan gawaaridda lagu xiro waxyaabaha Qarxa, waxaana inta badan Mas’uuliyadda Qaraxyaddaasi sheegta Ururka Al-Shabaab.



