Xil ka qaadis lagu sameeyay Gudoomiyihii gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa  isbeddel ku sameeyay Maamulka gobalka Hiiraan ee Hirshabeelle.

Wareegto ka soo baxday Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa xilkii looga qaaday Gudoomiyihii gobolka Hiiraan, iyadoo isla wareegtada lagu magacaabay gudoomiye cusub.

Cadulaahi Axmed Maalin Sufurow oo ahaa Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa xilka laga qaaday waxaana la magacaabay  Muuse Salaad Wehliye in uu noqdo Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle.