Xiisada u dhaxeyso Kenya & Uganda oo meel sare gaartay

Murunka u dhaxeeya dowladaha Uganda & Kenya ee ku saleysan dhulka Migingo ee  harada Victoria ayaa gaaray meel sare, iyadoo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya uu ku baaqay in lagu duulo dalka Uganda.

Arinta murunka u dhaxeeya labada dowladood ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamada Uganda ee kusugan Migingo ay xireen labo sarkaal oo katirsan gudiga doorashooyinka dalka Kenya oo doonayay iney diiwaan geliyaan dadka Kenyan-ka ee halkaasi ku sugan.

Xildhibaan Jakoyo Midiwo oo kasoo jeeda Galbeedka dalka Kenya ayaa weydiiyay dowlada Kenya iyo hogaanka ugu sareeya su’aal aheyd sababta ay gudaha ugu soo galeen Soomaaliya si dhulkooda ay u difaacaan, haddii dowlada Uganda aysan go’aan sidaasi oo kale ka qaadan karin.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dowlada Uganda ay halis ku tahay madax banaanida dalka Kenya, maadaama dhulka jaziirada ah ee lagu murunsan yahay ay dhigtay ciidamo badan.

“Haddii dowlada aysan awoodin iney si diblumaasiyadeedka xiisada loo dhameeyo, aan dagaal u kacno si aanu difaacno deegaanadeeda iyo dhulka dhanka furumaha ku yaala”ayuu yiri xildhibaanka ka tirsan baarlamaanka Kenya.

Oryem Okello oo kamid ah wasiirada Kenya ayaa sheega in ururka EAC bulshada bariga Africa uu ku baaqay wadahadal u dhaxeeya labadood wasiiro ka socdo si xiisada loo dhameeyo.